Fatahaadaha webiga Shabeelle oo wax laga qabanayo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Fatahaadaha webiga Shabeelle oo wax laga qabanayo

Haddaba iyadoo sida aad maqlayseen dadka reer Berbera ay ka cabanayaan biyo yari, ayaa dhanka kale gobolka Shabeelaha Dhexe deegaanada qaar wadooyinkii waxaa jaray biyo halka beerihiina ay qaadeenba, dadkuna waxa ay ka barakaceen guryahooda.

Haatan maamulka gobolkaasi oo kaashanaya maamullada degmooyinka iyo dadka rayidka ah ayaa bilaabay dadaalo uu ku xakamaynayo dhibaatada ka dhalata fatahaadda, sida in biyo-xireen laga sameeyo qaar ka mid ah meelaha uu webigu ka fataho sida buqda Bayaxow iyo tan Horiwaa.

Arrintaasi ayaa waxaannu ka wareysannay, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ayaa waydiiday waxa ay ka qabteen fatahaadaha webiga Shabeelle.