Waraysi wasiirka amniga  ee Jubaland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wasiirka amniga ee Jubaland ayaa ka hadlay maleeshiyo gobolka Gedo oo ciidanka la dagaalamay

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay, lix kalana way ku dhaawacmeen iska hor'imaad saaka ku dhexmaray degmada beledxaawo ee gobolka Gedo, ciidamada Jubaland iyo miliishiyo hubeysan.

Iska hor'imaadka ayaa bilowday ka dib markii ciidamada Jubaland ay weerareen guri ay isku urursadeen miliishiyo deegaanka ah, oo diidanaa sida maamulka degmadu hawsha u wado.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Adan, ayaa taleefanka Beledxaawo kula hadlay wasiirka amniga ee Jubaland Cabdirashiid Xasan Nuur, wuxuuna marka hore weydiiyay, bal in uu faahfaahiyo sida wax u dhaceen.

Mowduucyada la xiriira