Ari badan oo xilligan Berbera looga dhoofinayo Sacuudiga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ari badan oo xilligan Berbera looga dhoofinayo Sacuudiga

Xilligan mowsimka Xajka, waxaa dekadda Berbera ka dhoofaya ari ka badan milyan iyo bar neef, xoolahaasi oo la geynayo dalka Sacuudi Carabiya.

Arigan oo ay ganacsatadu kasoo iibsadaan guud ahaan deegaannada ay Soomaalidu degto, ayaa ka hor inta aan la dhoofin waxaa caafimaadkiisa lagu baaraa isla markaana lagu xannaaneeyaa maxjaro ku yaalla magaalada Berbera.

Wereiyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, oo safar shaqo u jooga magaalada Berbera ayaa tegay maxjar xoolaha lagu dhaqaaleeyo, warbixintan ayuuna inooga soo diray.