Qarax wayn oo ka dhacay hotelka SYL ee bartamaha Muqdisho

Lahaanshaha sawirka Somali News Agency
Image caption Hotelka SYL ayaa burbur wayn soo gaaray

Qarax wayn oo baabuur ayaa ka dhacay banaanka hotelka SYL ee bartamaha Muqdisho.

Sida ay sheegeen ilo caafimaad oo kala duwan, ugu yaraan laba iyo labaatan qof ayaa ku dhintay in ka badan soddona way ku dhaawacmeen.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay inuu arkay dad badan oo dhaawacmay. Wuxuu sheegay in hotelka uu qasaare badan gaaray, ciidamada ammaankana ay goobta joogaan.

Hotelka SYL oo ku yaala xarunta madaxtooyada agteeda, ayaa lagu qabtaa shirarka waaweyn, waxaana isticmaala dowladda. Ma aha markii u horaysay ee hotelka la weeraro.

Warfaafinta gudaha ayaa sheegaysa in lagu qaban rabay hotelka shir looga hadlayo ammaanka. Dhowr wariye ayaa lagu soo waramayaa inay dhaawacmeen.

Alshabaab ayaa sheegtay inay ka danbaysay weerarka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha gurmadka ayaa yimid meesha qarxa ka dhacay
Lahaanshaha sawirka BBC Sport
Image caption Hotelka SYL ayaa horay loo weeraray
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Burbur badan ayaa soo gaaray dhismayaal badan
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dhaawaca intiisa badan ayaa la geeyay isbitaal Madina