lixdan jir ka qalan jabisay jaamacad
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Safiyo Jaamac Gayre ayaa ka qalan jabisay Jaamamacada Puntland ee PSU qaybta sharciga iyadoo lixdan jir ah

Safiyo Jaamac Gayre waxay ka mid ahayd dufcadii u dambeysay ee ka qalin jabiyay kulliyadda qaanuunka ee jaamacadda Puntland PSU, ee magaalada Garowe.

Arday badan ayaa qalin jabisay, waxaase Safiyo Jaamac ay kaga duwan tahay waxay waxabarashada jaamacadda dhammeysay iyadoo ilaa lixdan jir ah oo ay fasal la fadhiday arday da' yar oo qaar ay dhali karto qaarna ay ayeeyaba u noqon karto.

Safiya Jama Gayre oo aad ugu faraxday guusha ay gaartay ayaa aad ugu mahadcelisay macallimiinta iyo ardada Jamacadda.

Maanta ayaa telefoonka Garowe Safiyo Jama Gayre ugu warantay Cabdinur Sh Maxamed oo marka hore uga warantay sababta ay sharciga u baratay.