WHO oo ka shireysa xannuunka Yellow Fever
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

WHO oo ka shireysa xannuunka Yellow Fever

Gudiga xaaladda degdega ah ee cudurka yellow fever-ka u qaabilsan hay'adda caafimaadka adduunka, ayaa maanta kulan ka yeelan doona xaaladda cudurkaasi ka dilaacay dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo iyo Angola.

Waxaa dalalkaasi ka socda olole tallaal oo lagu xakameynayo yellow fever-ka maadaama aanu cudurkaasi lahayn wax dawo ah.

Haddaba si aannu wax badan uga ogaanno waxa uu yahay yellow fever iyo xaaladda tallaalka cudurkan ee Soomaaliya ayaa waxaannu wareysannay, Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, Agaasimaha Waaxda Daweynta, Qalabka iyo Xarumaha Caafimaadka ee Soomaaliya,waxa uuna u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.