Socodka nabada ee dhalinyarada  Soomaalida
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Socodka nabada ee dhalinyarada Soomaalida ayaa ka bilaabmay Baydhabo

Koox dhalinyaro ah ayaa socdaal nabadeed ka bilaabay magaalooyin ku yaala Soomaaliya, iyagoo wada fariin ah in laga gudbo qabyaaladda, jahliga, ka hortaga tahriibka iyo isdhexgalka dhalinyarada.

Kooxdan ayaa safarkoodii ugu horeeyay ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaas oo ay kula kulmeen xubno ka tirsan bulshada oo ay la wadaageen fariimaha ay sidaan.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan, ayaa taleefanka Baydhabo kula hadlay Cabdullaahi Cabdi Maxamad Xiirey, oo ka mid ah dhalinyaradaasi, wuxuna marka hore weydiiyay bal in uu faahfaahiyo waxa uu socdaalkoodu yahay.