Mamnuuc shirkadaha inay cayriyaan hooyooyinka ayay sheegeen xildhibaano British ah

Hooyo shaqaynaysa Lahaanshaha sawirka Thinkstock

"Talaabo degdeg" ah ayaa loo baahan yahay in la sameeyo sharci difaaca dumarka uurka leh iyo kuwa carruurta leh ka dib markii ay korortay in laga eexdo dumarka, ayay sheegeen xildhibaano.

Women and Equalities Committee, ee Britain ayaa ku baaqaya in la sameeyo hab sida Jarmalka ah, oo adkeynaya in shaqada laga cayriyo dumarka uurka leh iyo marka ay dhalaan.

Dumarka uurka leh iyo kuwa ilmaha dhalay goor dhow, ee lagu qasbay inay shaqada ka tagaan ayaa ku dhawaad laba jibaarmay oo gaaray 54,000 tan iyo 2005-tii, ayuu sheegay gudiga.

Dowladda ayaa sheegtay inay si taxadar leh wax uga qabanayso talada ay bixinayaan guddiga.

Jarmalka, laga bilaabo markii ay dumarka uur yeeshaan ilaa afar bilood ka bacdi markii ay dhalaan, shirkadaha waxay dumarka shaqada ka cayrin karaan oo kaliya markii ay shirkadda ay lacag la'aan ku dhacdo oo ay burburto, taasna waxay u baahan yihiin inay dowladda ansixiso.

Dalka Britain, inkastoo ay tahay sharci daro in dumarka shaqada looga cayriyo ilmo ay dhashay awgeed, shirkadda ayaa heli karta sababo kale ee shaqada looga cayriyo.

Lahaanshaha sawirka Thinkstock