Duulimaadkii ugu horeeyay ee Cuba iyo Maraykanka oo bilaabmay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Imaashada JetBlue ayaa muujinaysa dib u bilaabashada duulimaadyada Maraykanka iyo Cuba

Diyaarad rakaab oo ka soo duushay Maraykanka ayaa timid Cuba markii ugu horaysay in ka badan nus qarni.

JetBlue duulimaadka 387 ayaa waxaa saarnaa 150 rakaab, oo uu ku jiro xoghayaha gaadiidka ee maraykanka ee Anthony Foxx.

Diyaaradda ayaa ka duushay Fort Lauderdale, Florida, waxayna ku degtay Santa Clara ee bartamaha Cuba saacad ka dib.

Duulimaadka ayaa muujinaya horumarka la gaaray tan iyo intii xiriirka Maraykanka iyo Cuba la soo celiyay December 2014-kii.

Markii ugu danbaysay ee diyaarad Maraykan ah ay u duushay Cuba waxay ahayd 50 sano ka hor, sida uu sheegay ku xigeenka madaxa JetBlue.

Si loo xuso munaasabada, diyaarada ayaa lagu soo dhaweeyay biyo lagu shubay, oo caado u ah munaasabadaha gaarka ah ee markabka ama diyaarada.