Qaxooti dib ugu soo laabtay Dhaddhaab
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaxooti dib ugu soo laabtay Dhadhaab

Wararka aanu ka heleyno xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa sheegaya in dad halkaasi ka tegay oo Soomaaliya la geeyay ay hadda dib ugu soo laabteen xeryaha.

Kumannaan qof oo qaxooti ah ayaa sanadkan dib loogu celiyay Soomaaliya, waxaana ay Kenya mar sheegtay in ay damacsan tahay xiridda xeryahaasi dhammaadka sanadkan.

Qaar ka mid ah dadka Dhaddhaab kusoo laabtay ayaa BBC u sheegay in ay kasoo carareen ammaan xumo ka jirta goobaha la geeyay.

Shiine Xasan Cabdi oo ka mid ah dadkaasi ayaa u warramay Bushra Nuur Maxamed, oo marka hore weydiisay sababta uu dib ugu soo laabtay qaxootiga?