Sacuudiga oo sharci u soo saaray imaamyada

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Masaajidka Nabi Maxamed ee ku yaalla Medina

Wasaarada arrimaha diinta ee Sacuudiga ayaa amar ku siisay boqol kun oo imaamyo inay iska ilaaliyaan siyaasada iyo arrimaha madhabta diimaha qudbadooda, iyo inay xooga saaraan oo kaliya diinta.

Waxay si gooni ah uga digeen in la inkaaro dad ama waddamo waqtiga salaada.

Waxaa caado ah in imaamyada ay inkaaraan Israel, iyo dadka aan muslinka ahayn waqtiga salaada Jimcaha .

Wasaarada ayaa sidoo kale sheegtay in lacag aan laga aruurin karin masaajidka gudahiisa.