Waraysi Nabadoon
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi Nabaddoon Faarax Raage Kooshin

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in toddobaadkan lagu wado in dib loo furo shirkii hakadku ku yimid ee la doonayay in maamul gobolleed loogu sameeyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose.

Qorshaha maamul u sameynta labadaasi gobol ayaa socon waayay, kadib markii qaar ka mid ah beelaha gobolka Hiiraan ay diideen sida dowladda federalku wax u waddo.

Nabaddoon Faarax Raage Kooshin wuxuu ka mid yahay hoggaamiyayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, wuxuu sheegay cadaalad daro awgeed inay u diidan yihiin maamul samaynta.