UNHCR iyo Jubaland oo ka heshiiyay qaxootiga ku xayiran Dhoobleey
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

UNHCR iyo Jubaland oo ka heshiiyay qaxootiga ku xayiran Dhoobleey

Maamul goboleedla Jubbaland iyo hay'ada UNHCR ayaa magaalada Kismaayo ku gaaray heshiis hordhac ah oo ku saabsan waxa laga yeelayo qaxootiga Soomaalida ah ee dib looga soo celinayo xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Sidoo kale waxaa laga wadahadlay heshiisyadii hore ee ay wada gaareen dowlada Soomaaliya iyo UNHCR ee la xiriiray sidii dadkan dib u dejin loogu samayn lahaa gudaha dalka Soomaaliya marka la geeyo.

Janaraal Maxamed Warsame Darwiish oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee Jubbaland ayaa Cabdirisaaq Xaaji Catoosjh arrimahaasi ka wareystay, ugu horayn waxaa uu weydiiyey bal in uu sharxo qodobada ay UNHCR wada gaareen.