10 ku dhimatay qarax ka dhacay dalka Pakistan

Pakistan Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Qaraxa wuxuu ka dhacay waqooyiga Pakistan

Booliiska dalka Pakistan ayaa sheegay in ugu yaraan 10 qof lagu dilay qarax ka dhacay maxkamad ku taalla waqooyiga dalkaasi.

Warar hordhac ayaa sheegaya in dad badan ay ku dhaawacmeen weerarkaasi oo ka dhacay degmada Mardin.

Dhinaca kale, afar ka tirsan dagaalamayaasha Taalibaan ah ayaa galinkii hore eemaanta weerar ku qaaday meel ay daganyihiin dadka masiixiga ee magaalada Peshwar.

Afhayeen u hadlay milatariga ayaa sheegay in afar ka tirsan mintidiintii weerarka soo qaaday la dilay.

Jamaacatil Ahraar, oo ah garab ka tirsan Taalibaanka Pakistan ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarkaasi.