Islam Karimov oo maanta lagu aasayo Samakand

Aaska Karimov Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Madaxweynaha Uzbekistan

Dalka Uzbakistan waxaa maanta lagu aasayaa madaxweynihii dalkaasi ee geeriyooday shalay Islam Karimov.

Indhawaaleba waxaa la isla dhex marayay warar aan la hubin oo ku saabsan geerida Karimov balse shalay ayay dowladda dalkaasi si rasmi ah u shaacisay geeridiisa.

Islam Karimov oo 78 jir ahaa ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Samakand oo ah halka uu ku soo barbaaray.

Muddo ka badan 25 sano ayuu Karimov soo xukumayay dalkaasi Uzbakistan, muddo ayuuna xanuunsanaa intuusan geeriyoon.

Islam Karimov waxaa lagu tilmaamay in uu ahaa hoggaamiye dadka caburin jiray, Isla markaana laayay dad rayid ah oo ku bannaan baxay dowladdiisa.

Waxuu cilaaqaad la lahaa dalka Ruushka iyo dowladda Maraykanka.

Arrinta ugu weyn dalkaasi ayaa hadda ah ciddii badali lahyd.

Islam Karimov waxaa si weyn loogu haystaa dilkii dalkaasi ka dhacay sanadkii 2005-tii markii la laayay dad shacabka ah oo dibadbaxayay.

Uzbakistan waxay ka tirsanaan jirtay dalweynihii Midowga Sofiyeetka ee kala jajabay markii dambe.