FBI-da oo shaacisay warbixin ku saabsan Hillary Clinton

FBI warbixin ku saabsan Clinton Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Hillary Clinton

Hay'adda sirdoonka Maraykanka ee FBI ayaa shaacisay qoraalo muddaba la sugayay oo la xiriira baaritaan lagu hayay Hillary Clinton.

Baaritaankan ayaa la xiriira in haweenaydani ay howlo shaqo u isticmaashay emaileeda khaaska ah, xilligii ay haysay xilka xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Madaxa FBI-da James Comey ayaa sheegay in aysan wax dambi ah galin Hillary Clinton balse ay muujisay taxaddar la'aan.

Intii muddo ahaydba waxaa Hillary Clinton loo haystay laguna eedaynay isticmaalaka emailkeeda gaarka oo ay u adeegsatay hawlo shaqo oo saxaasi ah.

Ninka ka soo horjeeda haweenaydan ee Donald Trump ayaa fursad ay u noqotay in uu ku cambaareeyo Hillary eedaha loo jeediyey.