Sawirro laga qaaday soo galooti oo abaal marin lagu helay

Messinis bilo ayuu joogay Lesbos si uu sawiro uga qaado qulqulka soo galootiga Lahaanshaha sawirka ARIS MESSINIS/ AFP
Image caption Messinis bilo ayuu joogay Lesbos si uu sawiro uga qaado qulqulka soo galootiga

Sawir qaade reer Giriig ah ayaa ku guulaystay abaalmarinta sawirrada wararka ee loo yaqaano Visa d'Or, sawirrada uu abaalmarinta ku helayna wuxuu ka qaaday dad soo galooti ah ee ka soo dagay jasiiradda Lesbos sanadkii hore.

Aris Messinis oo u soo shaqeeyay wakaaladda wararka ee Faransiiska ee AFP wuxuuna horay ugu guulaystay abaalmarino uu ku helay sawiro uu ka soo qaaday deegaanno ay dagaal ka jireen.

Wuxuu sheegay in uusan marnaba niyada galinin in sawirro kaga warami doono dalkiisa.

Arrinta kale ee xusida mudan ayaa ah in uu mararka qaar kaameeradii iska dhigay oo uu caawiyay dad uu arkay in ay xaalad adag haysato.

Lahaanshaha sawirka RAYMOND ROIG/ AFP
Image caption Messinis wuxuu sheegay in uusan marnaba niyada galinin in uu sawirradaas ka qaadi doono gudaha dalkiisa Giriiga
Lahaanshaha sawirka ARIS MESSINIS/ AFP
Image caption Sawirkan oo kale wuxuu hoosta ka xariiqay sida uusan ammaan u ahayn safarka badda Aegean ee ay muhaajiriintu soo galaan
Lahaanshaha sawirka ARIS MESSINIS/ ADP
Image caption Messinis wuxuu qaaday sawirro aan caadi ahayn oo muujinaya sida ay buuro ugu ekaadeen jaakadaha badbaadada ee ay tuureen soo galootigu
Lahaanshaha sawirka ARIS MESSINIS/ AFP
Image caption Kaddib markii ay dagtay doontii ay saarnaayeen qaxootigan waxaa so badbaadiyay kaluumaysato reer Giriig ah
Lahaanshaha sawirka ARIS MESSINIS/ AFP
Image caption Teendhooyin ay dagan yihiin dad jooga Lesbos
Lahaanshaha sawirka ARIS MESSINIS/ AFP
Image caption Baqdinta ka muuqata indhaha ninkan ayaa ka mid ah dareenka ay soo gudbiyeen sawirrada Messinis
Lahaanshaha sawirka ARIS MESSINIS/ AFP
Image caption Labo dumar ah oo hadda ka soo galay Turkiga
Lahaanshaha sawirka ARIS MESSINIS/ AFP
Image caption Ugu yaraan lix caruur ah ayaa ku dhimatay maalinta sawirkan la qaaday December 2015-kii kaddib markii ay dagtay doontii ay saarnaayeen
Lahaanshaha sawirka ARIS MESSINIS/ AFP
Image caption Sawirkan ay daganaanshuhu ka muuqato ayuu qaaday kaddib markii ay qaxootigu seexdeen meel banaan oo xidigihii cirku ay ka muuqdaan isla jasiirad Giriiga ah