Qaybo ka mid ah Xalab oo la go’doomiyay

Colaadda Xalab Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xalab ayaa horey waxaa loogu burburiyay duqeymaha Ruushka

Wararka ka imaanaya magaalada Xalab ee dalka Suuriya ayaa sheegaya in duulaan xoogan oo ay qaadeen xoogagga daacadda u ah dowladda Suuriya mar kale gebi ahaanba lagu go'doomiyay dhanka bari ee magaaladaasi ee uu mucaaradka maamulo.

Hawlwadeenada xaquuqul insaanka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay dib u qabsadeen inta badan degmada Ramowsiyah ee koonfur galbeed magaalada Xalab.

Degmadani ayaa waxaa bishii hore qabsaday isbahaysi ka kooban dagaalyahanada fallaagada.

Guushaasi fallaagada ayaa loo arkayay in ay tahay tallaabadii ugu dambeysay ee go'doonka looga saarayo boqolaalka kun ee qof eek u xayirnaa dhulka ay mucaaradka maamulaan.

Waxaa guul dareystay dedaallo diblomaasiyadeed oo la doonayay in lagu soo afjaro colaadda magaalada Xalab iyo dhulka kale ee dalkaasi Suuriya, iyadoo wadahadallo u dhaxeeyay Mareykanka iyo Ruushka aan wali laga gaarin wax heshiis ah.