Kerry iyo Lavrov oo ka arrinsanaya Suuriya

colaadda Suuriya
Image caption Lavrov iyo Keryy

Xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka, John Kerry, ayaa wada xaajoodyo dheeraad ah la yeelan doono dhiggiisa dalka Ruushka, Sergei Lavrov, si ay heshiis uga gaaraan soo afjaridda colaadda dalka Suuriya isla markaana dadka loo gaarsiiyo gargaarka bini'aadanimo.

Mas'uuliyiintani ayaa ka wada qayb galaya shirka waddamada G20 ee dalka Shiinaha hadda ka socda.

Qaramada Midoobay ayaa culays ku saaraysa dhinacyada Suuriya isku haya in la sameeyo xabbad joojin si gargaarla loo gaarsiiyo dadka tabaaleysan.

Kulankan dhex maraya Kerry iyo Lavrov ayaa ku soo beegmayo xilli magaalada Xalab laga soo sheegaya la go'doomiyay qaybaha mucaaradka uu magaaladaasi ka joogo.

Dhinaca kale, xoogagga mucaaradka Suuriya oo ay taageerayaan milateriga Turkiga ayaa qabsaday deegaano ku yaala xuduuda Suuriya iyo Turkiga.

Ra'iisul wasaaraha Turkiga ayaa sheegay in kooxda Khilaafada Islaamka laga nadiifiyay xudduudda dalkiisa uu la wadaago dalka deriska ah ee Suuriya.