Shirka G20 oo Shiinaha ka socda maalintii labaad

Lahaanshaha sawirka AFP/Getty Images
Image caption Hogaamiyayaasha labaatan wadan ee ugu dhaqaalaha wayn ayaa ku kulmaya Hanghzou ee Shiinaha

Madaxweynaha dalka Shiinaga, Xi Jinping ayaa sheegay in horumar laga gaaray sidii go'aan looga gaari lahaa koriinka dhaqaale ee caalamka oo gaabis ku socdo.

Isagoo ka hadlayay shirka G20 ee ka socdo magaalada Hangzhou ee dalka Shiinaha ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la hubiyo sidii dadka oo dhan ay uga faa'iidaysan lahaayeen isku furnaashaha ganacsiga adduunka.

Hogaamiyayaasha waddamada ka qaybgalaya shirka ayaa si gooni ah u kulmaya si ay uga hadlaan arrimaha dhaqaalaha iyo gobolka.

Dhibaatooyinka dagaalka Suuriya iyo Ukraine ayaa ugu wayn waxa ay ka hadlayaan Madaxweyne Barack Obama iyo madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin.

Muranka ku aadan lahaanshaha biyaha lagu muransanyahay ee Koonfurta Badda Shiinaha ayaa sidoo kale la soo qaadi doonaa.