Itoobiya: Dad ku dhintay xabsi ay ku jiraan siyaasiyiin

Mudaaharaad Lahaanshaha sawirka Routers
Image caption Waxaa la aaminsan yahay in xabsiga ay ku jireen siyaasiyiin reer Oromo ah

Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay inay jirtay dhimasho iyo dhaawac kadib markii uu dab ka kacay xabsi u dhaw magaalo madaxda Addisababa.

Axadii ayaa warfaafinta gudaha ay sheegtay is xabadayn xabiska Qilinto ay ka dhacday, waxayna sheegeen in ilaa labaatan qof ay dhinteen.

Xabsiga ayaa waxaa ku jira maxaabiis siyaasiyiin ah, gaar ahaan kuwo ka yimid gobolka Oromo oo ay bilooyin ka jireen mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda.

Maxaabiista ayaa hadda loo wareejiyay saddex xabsiyo oo kale. Waxaa jiray warar sheegaya in dabka ay bilaabeen maxaabiis doonaya inay baxsadaan.