Somaliland iyo DP world oo saxiixay heshiiska Berbera
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland iyo DP World oo saxiixay heshiis dekadda Berbera

Waxaa maanta magaalada Dubai heshiis ku kala saxiidayday shirkada Dubai World ee Imaaradda Dubai iyo Somaliland si maalgashi loogu sameeyo dekadda Berbera.

Waxaa halkaasi joogay wafti ka socda Somaliland oo uu hogaaminayao Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Caraxmaan Cabdulaahi Ismaaciil Saylici, waxaana Somaliland heshiiska u saxiixay wasiirka arrimaha dibada Dr Sacad Cali Shire, dhanka Dubai World waxaa u saxiixay agaasimaha shirkadda Sayid Suldaan,

Markii xaflada saxiixitaanka ay dhacday ayaa waxaa BBC-da uga waramay heshiiska Baashe Cawil oo ah wakiilka Somaliland ee Imaaraadka.