Dhoofka dameeraha oo laga mamnuucay Niger

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Niger oo mamnuucday dhoofka xoolaha

Dawladda Niger ee galbeedka Afrika ayaa mamnuucday dhoofinta dameeraha, waxayna ka digtay in qiimaha dameeraha oo seddax jibbaarmay ay horseedi karto in laga waayo dalkaasi.

In ka badan 80 kun oo dameer ayaa dalkaasi laga dhoofiyay sanadkii la soo dhaafay. Sanadkii ka sii horreeyeayna waxaa la dhoofiyay 27 kun oo kali ah.

Waxaa inta badan loo suuq geeyaa koofur bari Nigeria halkaas oo hilibka dameeraha laga cuno.

Maqaarka dameeraha ayaa loo diraa dalka Shiinaha si looga sameeyo dawooyinka iyo kareemada jirka la marsado.

Qiimaha maqaarka dameerka ayaa sare u kacay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Qiimaha halkii maqaar ayaa ka kacay afar dollar oo wuxuu gaaray 50 dollar.

Dalka Burkino Faso ayaa dhoofka dameeraha mamnuucay bishii la soo dhaafay.

Dalka Niger dameeraha waxaa loo isticmaalaa gaadiid lagu qaado caruurta iyo badeecooyinka.