Warwarka haweenka ee qoondada 30%
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ururrada haweenka ee Soomaaliya oo shir ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa muujiyay warwar

Ururrada haweenka ee Soomaaliya oo shir ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa muujiyay warwar ku aadan in aan la xaqiijin qoondada haweenka ee boqolkiiba sodonka ah in ay ka helaan kuraasta labada aqal baarlamaan ee la dhisi doono todobaadyada soo socda.

Haweenka ayaa sheegaya in sida wax u socdaan hadda aanay gacan ka gaysan doonin in la helo qoonadada haweenka ee boqolkiiba sodonka ah ee lagu heshiiyay, waxa ay ku eedeynayaan madaxda Soomaalida in aanay daacad ka ahayn arinta helista guraasta haweenka.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa waraystay Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo kamid ah gudi loo xil saaray ka warqabka sidii loo xaqiijin lahaa qoondada haweenka, wuxuuna marka hore weydiiyay warwarka ay qabaan waxa uu yahay.