Maxaabiis ka cabanaya mushaar yari

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xabsiga Barwon ee dalka Australia

Maxaamiista xabsiga aadka loo ilaaliyo ee ku yaalla dalka Australia ayaa waxay bilaabeen dibad bax ay ku dalbanayaan lacag badan in la siiyo.

Xabsiga Barwon wuxuu ku yaallaa Waqooyiga-Galbeed ee magaalada Melbourne.

Waxaa ku xiran xabsigaasi 450 qof oo ka kooban dilaayaal iyo kuwa daroogada ka ganacsada.

Waxay sheegayaan in maalitii todobada dollar ee la siiyo ay ka yar tahay lacagta ay helaan maxaabiista xabsiyada kale ku xiran.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Victoria waxa uu sheegay in maxaabiista oo dhan loo ogol yahay inay shaqeeyaan.

Wuxuu intaa raaciyay in dadka xiran ay ka shaqeeyaan jardiinada iyo dayactiridda, hadday qaar kamid ah duqoobaan waxaa laga joojinayaan shaqada.

Saraakiisha xabsiyada ee dalka Australia waxay u diideen maxaabiista inay shaqeeyaan waxaana lagu xannibay xabsiyada.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan