Unesco oo sheegtay inaan la gaari karin hiigsiga waxbarashada ilaa 2042

Lahaanshaha sawirka HAKIM GEORGE/ UNICEF
Image caption Iskuulada Suudaanta Koonfureed ayaa dagaalka ku baaba'ay

Hayadda Qaramada Midoobay ee Unesco, ayaa sheegtay in caalamka uu ku guuldaraysan doono in la siiyo waxbarasho lacag la'aan ah ee dugsi hoose carruurta oo dhan nus qarniga soo socda.

Hogaamiyayaasha caalamka ayaa balanqaaday inay helaan waxbarasho dugsiga hoose ugu yaraan carruurta oo dhan sanadka markuu yahay 2030, iyadoo ay qayb ka tahay barnaamijka SDG ee Qaramada Midoobay.

Laakiin warbixinta cusub ee Qaramada Midobay ayaa sheegtay in lacag la'aan awgeed in horumar loo gaari waayay.

Niger, Suudaanka Koonfureed, Burkina Faso, Afghanistan, Mali iyo Chad ayaa ka mid ah waddamada carruurta aysan iskuulo haysan.

Warbixinta Unesco ayaa sheegaysa inay jiraan 61 milyan oo carruur oo aan iskuul hoose haysan.