Warbixin: Xeebta Batalaale
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin: Xeebta Batalaale

Xeebta caanka ah ee Batalaale ee magaalada Berbera ayaa waxaa xilliyada kuleylaha ah u dabaal taga dad badan oo magaaladaasi ku nool, iyo kuwo ka kala yimaada magaalooyin ay ka mid yihiin Hargeysa, Burco, iyo Boorama.

Xeebtaasi ayaa mararka qaar waxaa ku qarraqma oo ku dhinta dadka aan sida wanaagsan u aqoon dabaasha.

Weriyaha BBC Axmed Saciid Cige oo dhawaan safar shaqo ku tegay magaalada Berbera ayaa waxbixintan ka diyaariyay dabaasha Xeebta Batalaale.