Obama oo nin Muslim ah u magacaabay garsoore

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama
Image caption Madaxweyne Barack Obama

Madaxweyne Obama waxa uu magacaabay qofkii ugu horreeyay ee muslim ah oo garsoore ka noqonaya maxkamadda federaalka oo ku taalla Maraykanka.

Waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in Cabid Qureeshi uu dadka Mareykanka si wanaagsan ugu shaqeyn doono.

Wuxuu intaa raaciyay in Cabid Qureeshi uu noqon doono qof shaqadiisa dhanka cadaaladda ay ku dhisan tahay daacadnimo iyo Sabar.

Si kastaba, magacaabistan waxay u baahan tahay in aqalka sare ee Senate-ka Maraykanka uu meel mariyo.

Laakiin Senate-ka ayaa ku caanbaxay inay mar kasta is hortaagaan shakhsiyaadka uu Obama u soo magacaabo waaxda cadaaladda.

Aqalka oo aqlabiyadiisu uu haysto xisbiga Jamhuuriga waxa uu ku doodayaa in madaxweynaha uusan isbedel ku sameyn karin waaxda cadaaladda marka uu xilliga madaxtinnimadiisa ay sii dhammaanayso.

Balse, madaxweyne Obama wuxuu sheegay in doodaasi Senate-ka aysan ku sallaysnayn dastuurka Maraykanka.

Mowduucyada la xiriira