Turkiga iyo US oo "duulaan ku ah" xarunta Daacish ee Raqa

Madaxweynaha Turkiga Erdogan
Image caption Madaxweynaha Turkiga Erdogan

Turkiga iyo Mareykanka ayaa waxay doonayaan inay tallaabo wada jir ah qaadaan si Daacish ay uga saaraan xaruntooda ugu weyn ee Raqa.

Raqa waa magaalada ay ugu xoogga badan yihiin ururka la baxay Khilaafada Islaamka ee Suuriya.

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan wuxuu sheegay in Obama uu qorshahaasi u soo gudbiyay.

"Turki waa u diyaar wada shaqeyn, aan mideyno ciidamadeena", ayaa laga soo xigtay asigoo dhahaya Erdogan.

Madaxweyne Erdogan wuxuu intaa ku daray in arrinta ay u baahan tahay wadaxaajood dheeraad ah.

Militariga dalka Turkiga waxay hadda wadaan howlgal ballaaran oo ay ka wadaan waqooyiga Suuriya.

Waxay halkaasi kula dagaallamayaan mintidiinta Daacish iyo maleeshiyaadka Kurdiyiinta.

Mowduucyada la xiriira