Mucaaradka Suuriya oo soo bandhigay qorshaha xallinta colaadda

Shan sanoo dagaal ah, Suuriya waxaa ku dhimatay 250,000 oo qof Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Shan sanoo dagaal ah, Suuriya waxaa ku dhimatay 250,000 oo qof

Wakiillada matalada kooxaha mucaaradka ee Suuriya ayaa waxa ay soo bandhigeen qorshohoodii ugu faafaahsanaa oo ku saabsan sida loo dhameyn karo colaadda shanta sano qaadatay ee Suuriya.

Golaha sare ee wadahadalka ee Sucuudiga uu taageeraayo oo hadda ku kulansan London, ayaa hadda waxa uu saadaalinayaa seddax hanaan.

Waxa guddiga uu sheegayaa in tallaabooyiinkaasi lagu gaari karo in si nabad ah xilka loo wareejiyo.

Waxa ay qoraalkooda ku sheegeen in Madaxweyne Bishaar Al-Asad uu xilka baneynaayo kaddib lixda bile e wajiga koobaad markey dhammaato.

Hase ahaatee, Asad ayaa horey ugu adkeystay inuusan is casilidoonin.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Xoogagga Bishar Al-Asad waxay dhowaantan gaareen guulo kaddib garab ay ka heleen Ruushka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga, Adel al-Jubeir, waxa uu BBC-da u sheegay in qorshaha lagu ogaanayo sida Mr Asad iyo Xulafadiisa ay heshiiska nabadda uga go'an tahay.

Xulafada ayuu ula jeedaa Ruushka iyo Iran oo caawinaya ciidamada Suuriya.

Balse, waxa uu sheegay "hadaanan la helin xal siyaasadeed, waxaa xigi doono qorshayaal kale oo ay ka mid tahay in la kordhiyo tallaabooyiinka militari".

Weriye ka tirsan BBC-da waxa uu sheegayaa in guulaha Militari ee dhowaantan uu gaaray Bishar Al-Asad inay sii xoojisay inuu ku adkeysto inuusan iscasilin.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan