Trump: Putin ayaa ka hoggaan fiican Obama

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Trump ayaa ammaanay Putin

Musharraxa xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, ayaa mar kale ammaanay madaxweynaha dalka Ruushka,Vladimir Putin.

Isagoo ka qeybgalayay kulan ay su'aalo ku weydiinayeen xubno horay uga tirsanaa milatariga ayaa Trump wuxuu sheegay in Putin uu ka hoggaan fiican yahay madaxweyne Obama.

Hadalkiisa ayaa yimid saacado uun kaddib markii masuulka ugu sarreeya aqalka gaashandhiga Maraykanka uu ku eedeeyey Ruushka in uu abuurayo xasilooni darro caalami ah.

Xoghayaha arriimaha difaaca Maraykanka, Ash Carter, wuxuu sheegay inay iska caddahay in hamiga Ruushka uu yahay sidii meesha looga saari lahaa kala dambaynta caalamiga ah.

Trump wuxuu saadaaliyay in haddii la doorto isaga bisha Nofember ay si fiican iskula jaan qaadi doonaan hogaamiyaha Ruushka.

Ma aha markii ugu horreysay oo Trump uu ammaano madaxweyne Putin.

Bishii December ayaa madaxweynaha Ruushka wuxuu ku tilmaamay Trump in uu yahay nin karti leh, arrintaas oo uu Trump ku tilmaamay inay sharaf u tahay.