Qaramada Midoobay oo dawaysay dagaalyahanno Suudaanta Koonfureed u dhashay

Lahaanshaha sawirka MINUSMA/MARCO DORMINO
Image caption Sawir hore

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Jamhuurida dimuqraadiga ee Congo, ayaa geeyay in ka badan boqol ka tirsan dagaalyahanada mucaaradka Suudaanta Koonfureed ay geeyeen xarumo lagu daweeyo.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in dagaalyahanada hubka lag dhigay loona daad gureeyay si banii'aadanimo.

Dagaal xooggan oo Suudaanta Koonfureed ka dhacay bishii July ayaa sababay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu u codeeyo in la kordhiyo tirada ciidammada nabad ilaalinta ee dalkaasi.

Dhanka kale Britain ayaa qorsheyneysa ballaarinta ciidammadeeda nabad ilalainta ee ka jooga dalkaasi.