Dab ka kacay warshad Bangladesh ku taala oo 15 ruux ku dhinteen

warshadda gubatay Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dabka ayaa si dhakhso ah u faafay

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhimatay 70 kale ayaana ku dhaawacan tay dab wayn oo ka kacay warshad samaysa baakadaha alaabta cusub la galiyo oo ku taala dalka Bangladesh.

Booliisku waxay sheegeen in dad lagu qiyaasay 100 ruux ay ka shaqaynayeen dhismaha gubtay oo afar dabaq ka koobnaa kaas oo ku yaalanmagaalada Tongi oo ku taala waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Dhaka.

Dabku wuxuu ka dhashay haan qaraxday wuxuuna durba ku fiday dhismaha oo dhan sida ay saraakiishu sheegeen.

Dabka wali lama xakamaynin sida ay sheegtay waaxda gurmadka dagdaga ah.

Parvez Mia oo ah dhakhtar Isbitaalka magaalada ka shaqeeya ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dadka dhaawaca ah ay yihiin kuwo gubtay kuwii aadka u liitayna ay u direen isbitaalada Dhaka

Dabka ka kaca warshadaha Bangladesh ayaa ah mid soo noqnoqda, hanaanka badqabkooda ayaana aad u hooseeya

Boqolkiiba 40 shirkadaha Bangladesh waxaa haysta dhibaato dhanka badqabka ah oo wayn.

Ugu yaraan 13 ruux ayaa ku dhimatay dab ka kacay warshad bacaha samaysa oo ku taala magaalada Dhaka sanadkii hore.

Sanadkii 2012, 112 shaqaale ah ayuu dab ku laayay ku taala duleedka magaalada.

Masiibo intaas ka sii darana waxay ka dhacday sanadkii 2013 markii uu dumay dhisme dharka lagu tolo oo ku yaala banaanka magaalada Dhaka halkaas oo ay ku dhinteen 1,135 ruux.

Lahaanshaha sawirka EPA