Muslimiinta oo bilaabay acmaasha Xajka

Xujayda ayaa sanadkan la kulmay talaabooyin dheeri ah oo ammaanka lagu adkaynayo Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Xujayda ayaa sanadkan la kulmay talaabooyin dheeri ah oo ammaanka lagu adkaynayo

Dad lagu qiyaasay 1.5 milyan oo ruux oo Muslimiin ah ayaa isugu tagay dhulka barakaysan ee Sacuudiga si ay u soo gutaan waajibaatka Xajka ee sanadkan.

Xujayda ayaa hadda ku sugan magaalada Maka oo ammaankeeda aad loo adkeeyay.

Gawaraadi ayaa laga mamnuucay isticmaalka wadooyinka masaajida barakaysan ee Xaramka u jira labo kiiloo mitir.

Booliiska ayaa Xujayda meelo kala duwan ku waydiinaya aqoonsiyadooda.

In kabadan labo kun oo ruux ayaa ku dhimatay xajkii sanadkii hore kaddib markii ay is buurteen.

Dadkaas badankoodu waxay ka soo jeedeen Iiraan, Tehraanna waxay Sacuudiga ku eedaysay in ay si xun u maamushay Xaramka waxayna dadkooda u diideen in ay aadaan Xajka sanadkan.

Sacuudigu waxuu Iiraan ku eedeey in ay siyaasadaynayso arrimaha Xajka.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Xujay badan safarka Xaramka wuxuu u yahay khibrad hal mar soo marta noloshooda
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Masaajidka barakaysan ee Xaramka
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Xajku wuxuu tusaa dadka Muslimiinta ah in ay yihiin walaalo Illaahayna ay u simanyihiin
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ujeedooyinka xajka waxaa ka mid ah in meesha laga saaro dabaqada bulshada ka dhex jirta sida dhaqaalaha
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Muuqaalka guud ee xajka
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Sacuudigu wuxuu dhisayaa guryo cusub oo ay ku hoydaan xujaydu inta ay acmaasha gudanayaan.