Mucaaradka Seychelles oo ku guulaystay doorashooyinka Baarlamaanka

Codbixinta ka dhacday dalkan ka kooban 115 jasiiradood ee uu dadkiisu yahay 90,000 ayaa socotay muddo saddex maalmood ah Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Codbixinta ka dhacday dalkan ka kooban 115 jasiiradood ee uu dadkiisu yahay 90,000 ayaa socotay muddo saddex maalmood ah

Mucaaradka waddanka Seychelles ayaa markii ugu horreysay muddo 20 sano ah ku guulaystay doorashooyinka Baarlamaanka.

Natiijooyinka Rasmiga ah ayuu isbahaysiga mucaaradka ee LDS waxa uu ka helay 15 kursi ee Baarlamaanka cusub ee dalkaasi, tiradaasi oo 5 ka badan Xisbiga Dadka ee Madaxweyne James Michel.

Mucaaradka ayaa la filayay inay ku guulaystaan doorasha ka dhacday jasiiraddan ku taal Badweynta Hindiya.

Ka hor inta aanan lagu dhawaaqin natiijada doorashada, ayuu Mr Michel waxa uu ballanqaaday inuu la shaqeyn doono baarlamanka cusub.