Hillary Clinton oo xanuunka burukiitada laga helay ayaa baajisay safar ay ku tagi lahayd California

Hillary Clinton oo gacanta u haatineysa weriyayaasha Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hillary Clinton oo gacanta u haatineysa weriyayaasha

Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Mareykanka, Hillary Clinton, ayaa baajisay socdaal olole oo ay ku tagi lahayd gobolka California kaddib markii uu ku dhacay xanuunka burikiitada.

Clinton ayaa xanuusatay iyadoo ku sugnayd goob Axaddii lagu xusayay sanadguuradii 15-aad ee weerarkii lagu qaaday daaraha mataanaha ee New York.

Munaasabadda oon dhammaanin ayay baxday, iyadoo dhinaca gaarigeeda u sii socota ayayna kuftay waxaase garbaha qabtay kaaliyeyaasheeda.

Mrs Clinton ayaa markii dambe lagu arkay guriga gabadheeda oo ku yaalla New York, waxayna weriyayaasha u sheegtay inay "wanaagsan tahay".

Dhaqtarkeeda, Lisa Bardack waxa ay sheegtay in Hillary Clinton ay xanuunkaasi qaaday Jimcihii, balse ay hadda si wanaagsan uga soo kabanayso.

Waxa ay gabadha dhaqtarka u ah sheegtay in Clinton ay aad u kululaatay, jirkeedana uu biyaha ka dhammaaday intii ay ka qeybgaleysay munaasabadaasi.

Musharraxa ay is hayaan ee Jamhuuriga, Donald Trump, waxa uu kol hore ku dooday in caafimaad ahaan Clinton aysan u qalmin inay madaxweyne noqoto.

Waxaa lagu waday inay Isniinta u safarto gobalka California si ay u jeediso khudbad ku saabsan dhaqaalaha.

Mowduucyada la xiriira