Mucaaradka Liibiya oo qabsaday xarumo shidaal

Qiiq ka baxaya xarunta shidaalka ee Sidra, Liibiya Lahaanshaha sawirka Alamy
Image caption Qiiq ka baxaya xarunta shidaalka ee Sidra, Liibiya

Xoogaga mucaaradka ee diidan dowladda ay taageereyso Qaramada midoobey ee ku sugan Tripoli waxa ay sheegayaan inay qabsadeen laba dekadood oo shidaalka laga qaado oo ku yaalla bariga dalkaasi.

Afhayeen u hadlay sarkaalka fallaagoobay, Khalifa Xaftar, waxa uu sheegay in xooggagiisa ay hadda maamulayaan labada dekad ee shidaalka ee Es Sidra iyo Ras Lanuf.

Guddiga saliidda qaran ee Tripoli ayaa taageeray sheegashadaas oo sheegay in la qabsaday labadaasi xarumood.

Laakiin maleeshiya kale oo ka soo horjeeda oo isku magacawday ilaalada agabka saliidda, oo taliyahooda dhowaantan uu la midoobay maamulka UN ay taageereyso, waxa uu sheegayaa in weli dagaalka uu socdo.