Tanzania oo qiimaynaysa saamaynta dhulgariirka

dhulgariirka Tanzania

Xukuumadda Tanzania ayaa qiimaynaysa saamayntii uu ka tagay dhulgariir lagu qiyaasay 5.7 oo ku dhuftay gobolka Kagera Sabtidii, kaas oo ay ku dhinteen 16 ruux kuna dhaawacmeen 250 ruux.

Dhulgariirkaas ayaa lagu qiyaasay midkii ugu xumaa ee dalkaas ka dhaca ugu yaraan muddo toban sano ah.

Magaalada Bukoba waxaa lagu qiyaasay in ay dagan yihiin 70,000.

Dadka deegaanka ayaana isku dayaya bal in ay isku hagaajistaan wixii ka soo haray hantidoodii burburtay.

Ra'iisalwasaare Kassim Majaliwa, oo booqday Bukoba ayaa masuuliyiinta deegaanka ku amray in ay qiimeeyaan baaxadda burburka si loo eego sida ay dawladda dhexe gacan uga gaysan karto, inkastoo aysan cadayn waxa caawintaasi ay noqon doonto.

Bukoba waxay 44 km u jirtaa goobta xudunta u ah dhulgariirka sida ay sheegayaan waaxda la socoto culuunta dhulka ee dalka Maraykanka.

Sawirradan hoos ka muuqdana waxay muujinayaan saamaynta dhulgariirka waxaana soo qaaday weriyaha BBC Sammy Awami oo kusugan Bukoba.