Pape Souare oo diyaarad lagula cararay kaddib markii uu London shil ku galay

Image caption Pape Souare

Pape Souare oo kooxda Crystal Palace difaac uga dheela ayaa shil ku galay magaalada London waxaana diyaarad loogula cararay Isbitaalka, balse waxaa la sheegay in noloshiisu aysan khatar ku jirin.

Souare oo 26 jir ah, ayaa ku dhaawacmay shil dhacay Axaddii isaga oo waxyeello ka soo gaartay lawga iyo qalka, wuxuuna sii joogi doonaa isbitaalka si loo dabiibo.

Kama uusan mid ahayn ciyaaryahannadii 2-1-ka kaga badiyay kooxda Middlesbrough Sabtidii.

Kooxdiisa ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in si dhaw ay ula shaqaynayaan isbitaalka si ay ula socdaan xaaladdiisa caafimaad ayna wakhtigan adag la qaybsanayaan Pape iyo qoyskiisa.

Ciyaaryahanka reer Senegal ayaa Crystal Palace ku soo biiray bishii koobaad ee sanadkii 2015-kii isaga oo lagala soo wareegay kooxda Lille ee dalka Faransiiska.

Ciyaartii u dambaysay ee Palace uu u saftayna waxay ahayd middii ay barbaraha 1-1 ah la galeen Bournemouth 27-kii bishii August.