Muqdisho oo laga ciiday jidadka oo xiran
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muqdisho oo laga ciidayo iyadoo jidadka magaalada ay xiran yihiin sababo dhinaca ammaanka ah

Maanta guud ahaan Soomaaliya waxa looga dabaaldegayaa munaasabadda Ciidda Adxa iyadoo magaalooyinka waddanka oo dhan si siman looga ciiday.

Magaalada Muqdisho waxa maalintii afraad xiran waddooyinka muhiimka ah kaddib markii ciidammada ammaanku u xireen sababo nabadgalyo oo ku aadan shir madaxeedka waddamada Bariga Afrika ee IGAD oo barito ka furmi doona caasimadda Soomaaliya.

Xirnaanshiyaha waddooyinka muhiimka ah ee magaalada ayaa ku kaliftay dadka inay maalaan lugahooda masaafo aad u dheer si ay eheladooda iyo asxaabtooda ay u booqdaan. Waxa jiro kuwa kale oo doorbiday in ciidda ay guryahoodaku qaataan.

Weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamad Aadan, oo laftigiisu kamid ahaa dadkii lugta ku maray waddooyin dhawr ah ayaa qaar kamid ah dadweynaha weydiiyay sida ay u arkaan Ciiddan.

Image caption Soomaalida Kenya oo tukanaysa salaada Ciida

Munaasabadda Ciida Adxa darteed ayaa dawladda Kenya waxay ku dhawaaqyday in maanta ay tahay maalin fasax qaran.

Dalka Kenya munsaabdaha Ciida Soonfur oo kali ah ayaa ahaan jirtay fasax qaran.

Xaafadda Islii ee magaalda Nairobi, ayaa dabaaldagga Ciiddan waxay ku soo aaday iyadoo waratada ka gacansan jirtay Islii laga saaray meesha kaddib markii lagu eedeeyey inay xireen ganacsiyada kale iyo waddooyinka.