Samsung oo ganacsigeeda daabacaadda hal bilyan dollar ku iibinaysa

HP logo Lahaanshaha sawirka Reuters

Shirkadda kombuterada ee Maraykanka ee HP ayaa heshiis la gashay Samsung si ay ula wareegto ganacsigeeda daabacaadda oo qiimahiisu dhan yahay $1bilyan.

HP ayaa sheegtay in heshiiskan uu u ogolaan doono inay dib u habayn ku sameeyso ganacsiga daabacadda oo guud ahaan qiimahiisu dhan yahay $55 bilyan oo aan mudo badan aan la casriyayn.

HP INC, ayaa sheegtay in mashiinada daabacaadda ay duqoobeen, una baahanyihiin adeegyo lagu hagaajiyo.

Waxay sheegtay in macaamiisha ay mar walba aysan ku faraxsanayn mashiino aan shaqaynayn, heshiiskana uu ka caawin doono HP inay ku maalgaliso teknoolajiyad casri ah.