David Cameron oo iska casilaya xildhibaanimada baarlamaanka Britain

David Cameron

Ra'iisalwasaarihii hore ee Britain David Cameron ayaa ka dagi doona xilka xildhibaanimada, iyadoo keeni doonta in doorasho cusub lagu qabto deegaanka uu matalayo ee Witney ee Oxfordshire.

Mr Cameron, oo iska casilay ra'iisalwasaarenimada Britain kadib aftidii Midowga Yurub, ayaa sheegay inuusan rabin inuu ra'iisalwasaaraha cusub Theresa May shaqada ka sii jeediyo.

Wuxuu horay u sheegay inuu xildhibaan sii ahaan doono ilaa doorashada danbe.

David Cameron oo 49 jir ah, ayaa ahaa xildhibaanka Witney tan iyo 2001, isagoo noqday hogaamiyaha Conservative-ka 2005 iyo ra'iisalwasaaraha Britain 2010-kii.

Isagoo ka hadlaya deegaanka uu degan yahay ayuu sheegay inay tahay "sharaf wayn" inuu xildhibaan u noqdo deegaanka, laakiin inay adag tahay inuu xildhibaan noqdo isagoo aan sii jeedin shaqada dowladda cusub.