Xabad joojinta Suuriya oo si rasmi ah xalay u dhaqan gashay

Heshiiska xabad joojinta waxaa la filayaa in lagu dhammeeyo colaadda Suuriya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Heshiiska xabad joojinta waxaa la filayaa in lagu dhammeeyo colaadda Suuriya

Xabad joojin cusub ayaa si rasmi ah uga dhaqan gashay dalka Suuriya.

Mid kamid ah ragga heshiiska horkacaya, Xogahayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, waxa uu sheegay in hadda ay suuragal tahay in nabad ay ka dhaqan gasho Suuriya midowday.

John Kerry waxa uu hoosta ka xariiqay in carqaladeyn lagu sameeyo xabad joojinta ay jiri karto saacadaha soo socda ama maalmaha.

Waxa uu dhammaan dhinacyada qeybta ka ah ugu baaqay inay u hogaansamaan qodobada ku xusan heshiiska.

Waxa uu sheegay in Ruushka uu ballan qaaday in madaxweyne Asad uu xushmeynayo xabad joojinta.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Hooyo iyo gabadheeda oo ku sugan deegaamada go'doonsan

Dadka u ololeeya nabadda Suuriya waxa ay sheegayaan in heshiiska cusub uu ka dhaqan galay inta badan deegaamadii lagu dagaallamayay.

Qof deggan magaalada go'doonsan ee Xalab waxa uu BBC-da u sheegay in duqeyntii sida roobka u di'i jirtay ay istaagtay.

Wuxuu intaasi raaciyay inaysan jirin diyaarado hawada Xalab dul heehaabaaya.

Heshiiska xabad joojinta waxa uu soconayaa todobo maalmood.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan