Madixii arrimaha dacaayadda u qaabilsanaa Daacish oo la dilay

Abu Maxamed Al-Adnani oo "lagu dilay" Suuriya Lahaanshaha sawirka DABIQ
Image caption Abu Maxamed Al-Adnani oo "lagu dilay" Suuriya

Waaxda difaaca ee Mareykanka ee Pentagon-ka waxa ay xaqiijisay in madixii dacaayadda ee Daacish Abu Maxamed Al-Adnani lagu dilay duqeyn.

Al-Adnani ayaa la sheegayaa inuu ku dhintay weerar ka dhacay dalka Suuriya, bishii aanu soo dhaafnay.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka waxa uu sheegay in duqeyn Mareykanka uu ku bartilmaameedsaday Al-Adnani ay guul ku dhammaatay.

Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ee Daacish way qiratay in ninkaasi la dilay, laakiin Mareykanka iyo Ruushka ayaa kala sheeganaya dilka Al-Adnani.

Mowduucyada la xiriira