Clinton oo ka hadashay xanuunkeeda

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Hilary Clinton

Musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka, Hilary Clinton, ayaa sheegtay in aysan dadweynaha la wadaagin markii ay ogaatay in uu ku dhacay xanuunka oofwareenka maadama aysan wax weyn ka soo qaadin.

Clinton ayaa wajaheysa camaabareyn xooggan maadaama aysan shaaca ka qaadin xanuunkaasi markii lagu arkay Jimcihii. Waxaa la ogaaday inay qabto xanuunkaasi Axaddii markii ay meel fagaara ah ku xanuusatay.

Waxay ku sugnayd goob lagu xusayay sanadguuradii 15-aad ee weerarkii lagu qaaday daaraha mataanaha ee New York.

Munaasabadda oon dhammaanin ayay baxday, iyadoo dhinaca gaarigeeda u sii socota ayayna kuftay waxaase garbaha qabtay kaaliyeyaasheeda.

Iyadoo la hadlaysay telefishinka CNN ayaa waxa ay sheegtay inaysan raacin tallada uu dhakhtarkeeda siiyay Jimcihii oo ahayd in ay iska nasato muddo shan maalmood ah.

Xafiiska ololaha Clinton ayaa sheegay inaysan qabin xanuun kale oo aan ahayn burukiitada, dhawaanna uu xafiiska shaacin doona faahfahin ku saaban xaaladeeda caafimaad.

Waxaa lagu waday inay Isniinta u safarto gobalka California si ay u jeediso khudbad ku saabsan dhaqaalaha.Musharraxa ay is hayaan ee Jamhuuriga, Donald Trump, waxa uu kol hore ku dooday in caafimaad ahaan Clinton aysan u qalmin inay madaxweyne noqoto.