Shir madaxeedka IGAD oo magaalada Muqdisho ka furmay

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya oo gaaray madasha shirka IGAD ee magaaalada Muqdisho

Madaxda urur goboleedka IGAD ayuu shir hal maalin ah uga billowday magaalada Muqdisho. Waxaa madasha shirka ku sugan hogaamiyayaasha dalalka Kenya, Itoobiya , Ugandha iyo Soomaaliya.

Waa shirkii ugu horreeyey ee noociisa ah ee magaalada Muqdisho ka dhaca muddo 30 sano ku dhow.

Sabtidii aanu soo dhaafnay ayaa la filayey inuu dhaco kulankan, balse dib ayaa loo dhigay, mana caddeyn sababta dib loogu dhigay.

Shirka waxaa diiradda lagu saarayaa arriimaha doorashooyinka iyo amaamnka Soomaaliya iyo sidoo kale qalalaasaha ka taagan dalka Suudaanta Koonfureed, sida uu BBC-da u sheegay wasiirka arrimaha debadda ee Soomaaliya.

IGAD waxaa xubno ka ah dalalka Itoobiya, Uganda, Jibuuti, Kenya, Sudan, Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya

Image caption Shirka IGAD ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo Muqdisho

Calamada dalalka IGAD yaa la suray garoonka diyaardaaha iyo madasha shirka ee Huteel Peace.

Ammaanka guud ahaan magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo maalmihii la soo dhaafay gaadiidka laga mamnuucay in ay isticmaalaan waddooyinka qaar.

Waddada aada garoonka diyaaradaha iyo waddada Maka Al-Mukarama ayaa laga mamnuucay inay isticmaalaan gadiidka iyo dadka lugaynaya.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Halkna ka daawo ammaanka Muqdisho oo aad loo adkeeyay