UK waxay ka mid tahay waddamada ay ka jirto sinaan la'aanta ugu badan ayay sheegtay Oxfam

Lacag Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Farqiga u dhaxeeya dadka lacagta haysta iyo kuwa aan haysan waa in wax laga qabto ayay sheegtay Oxfam

Dadka ugu lacagta badan oo ah 1% ee degan UK ayaa leh in ka badan labaatan goor lacagta ay leeyihiin 13 milyan oo qof sida ay sheegtay warbixin ay soo saartay Oxfam.

Taas ayaa ka dhigtay Britain mid ka mid ah waddamada horay u maray oo ay ka jirto sinaan la'aanta ugu badan, waxayna keentay in loo codeeyo ka bixitaanka Midowga Yurub, ayay sheegtay hayadda Oxfam.

Warbixinta ayaa falanqaynteeda ku heshay in ilaa 634,000 oo qof oo degan Briton ay leeyihiin in ka badan labaatan goor lacagta ay leyihiin 13 milyan oo qof oo aan lacag laheen.

Oxfam ayaa ugu baaqday Ra'iisalwasaaraha Theresa May, inay wax ka qabato sidii loo yarayn lahaa farqiga u dhaxeeya dadka lacagta leh iyo iyo kuwa aan lahayn.

Warbixinta ayaa oo falanqaysay xog ka timid Credit Suisse ayaa heshay 10% ee dadka ugu lacagta badan ee ku nool UK inay leeyihiin in badan kala bar waddanka lacagtiisa, iyadoo 1% oo ka mid ah ay leeyihiin ku dhawaad rubac (23%) lacagta waddanka. Dadka ugu saboolsan oo ah 20% ayaa wada qaybsada 0.8% lacagta waddanka.

Warbixinta ayaa sheegtay in dad badan oo dagan UK inay dareemayaan in aysan ka qaybqaadan fursadaha dhaqaale iyo kuwa siyaasadda.

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Theresa May ayaa balanqaaday inay wax ka qabanayso sinaan la'aanta waddanka