Shir madaxeedka IGAD oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya oo ka hadlay ahmiyadda shirka IGAD

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir madaxeedka urur goboleedka IGAD oo ay ka soo qeyb galeen hogaamiyeyaasha dalalka Kenya, Itoobiya ,Uganda, iyo madaxweynaha martida loo ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha dalka Jabuuti oo isna la filayay inuu shirka yimaado ayaa ka baaqday ka dib markii diyaaraddii uu la socday ay cillad ku timid.

Madaxda IGAD ayaa soo dhoweeyay dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto in doorashooyin ay dalka ka qabsoomaan isbuucyada soo socda.

Image caption Shir madaxeedka IGAD oo maanta Muqdisho ka dhacay

IGAD ayaa ugu baaqday ciidammada AMISOM inay sugaan ammaanka doorashada.

Image caption Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Aamina Maxamed ayaa akhrisay qoddobada lagu heshiiyay

''Meeshii aan la rabnay Soomaaliya wali ma gaarin, balse waxaan ku kalsoonnahay in dadaallo dheeraad ah ka dib ay dalkan u suurtogali doonto in xasillooni buuxda ay ku soo laabato'', sidaasi waxaa yiri Ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ahna guddoomiyaha IGAD.

War murtiyeed ay madaxdu soo saareen oo ka koobnaa 22 qodob ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu soo gabagabeeyo maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Hanaanka maamul u sameynta goboladaasi ayaa waxaa dhawaan la wareegay urur goboleedka IGAD.

Shirkan ayaa ka dhacay hoteel aad loo ilaaliyo oo ku yaalla agagaarka garoonka Aadan Cadde.

Waa shirkii ugu horreeyey ee noociisa ah ee magaalada Muqdisho ka dhaca muddo 30 sano ku dhow.

Sabtidii aanu soo dhaafnay ayaa la filayey inuu dhaco kulankan, balse dib ayaa loo dhigay, mana caddeyn sababta dib loogu dhigay.

Lahaanshaha sawirka PPSU
Image caption Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta

Ammaanka guud ahaan magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo maalmihii la soo dhaafay gaadiidka laga mamnuucay in ay isticmaalaan waddooyinka qaar.

Waddada aadda garoonka diyaaradaha iyo waddada Maka Al-Mukarrama ayaa laga mamnuucay inay isticmaalaan gadiidka iyo dadka lugaynaya.

IGAD waxaa xubno ka ah dalalka Itoobiya, Uganda, Jabuuti, Kenya, Sudan, Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Muuqaal: wadooyinka Muqdisho oo xirnaa intuu shirka socday