Turkiga oo rasmiyan codsaday in la soo qabto Gulen

Turkiga iyo Gulen Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Fatxullah Gulen

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa sheegeysa in xukuumadda Ankara ay haatan rasmiyan codsatay in loo soo xiro wadaadka fadhigiisu yahay Mareykanka ee Fatxullah Gulen.

Turkiga ayaa wadaadkan u haysta eedeymo ah in uu soo maleegay inqilaabkii fashilmay ee dalkaasi ka dhacay bishii July ee sanadkan.

Fatxullah Gulen ayaa beeniyay in uu ku lug lahaa inqilaabkaasi.

Xilligii uu dhacayay inqilaabkaasi fashilmay ayaa ciidamo gadoodsan waxa ay diyaaradaha dagaalka ee dalkaasi u adeegsadeen in ay ku duqeeyaan dhismaha baarlamanka, waxa ayna sidoo kale xireen buundooyinka.

Turkey ayaa tan iyo xilligaasi dalbanayay in Washington ay u soo gacan geliso wadaadkan, waxaana arrintaasi looga wada hadlay shirkii waddamada G20 oo madaxweyne Erdogan iyo Obama ay ku kulmeen.