Xayiraaddii Qaadka oo la qaaday

Dumar Qaad ku iibinaya Soomaaliya
Image caption Dumar Qaad ku iibinaya Soomaaliya

Madaxda Kenya iyo Soomaaliya oo ka qayb galayey shir madaxeedkii dalalka IGAD ee Muqdisho ka dhacay ayaa ku heshiiyey in si degdeg ah loo soo afjaro xayiraaddii muddada todobaadka ka badan saarnayd qaadkii Soomaaliya uga imaanayey Kenya.

Arrintan ayaa timid ka dib markii madaxweyneyaasha labada waddan, Uhuru Kenyatta iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay wadahadal ka yeesheen arrimaha ganacsiga ee qaadkuna uu ka midka yahay, waxaana si rasmi ah u xaqiijisay in xayiraaddii qaadka la qaaday wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya Aamina Maxamed oo ka qayb galaysay shir madaxeedka IGAD ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyey.

Waxay kaloo madaxdu ku heshiiyeen in laga wada shaqeeyo sidii seddex bilood gudahood loo joojin lahaa in lagu baaro garoonka dayaaradaha ee Wajeer duullimaadyada aada Kenya ee ka taga Soomaaliya.